Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo Agab caafimaad gaadhsiiyay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Addis Ababa june 26,2020 (Senee 19,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- Dalkan Itoobiya ayaa deeq agab Caafimaad oo lagula tacaalayo islamarkaana lagaga hortagayo Caabuqa koronaha gaadhsiiyay Jamhuuriyadda Jabuuti.

 Wasaarada arrimaha dibada Itoobiya ayaa sheegtay in agab caafimaad oo lagu daaweeyo bukaanada Caabuqa Covid19  ismarkaana loogu talogalay xakameynta faayraska Koronaha oo qiimahoodu ka badan yahay 3 boqol oo kuun oo doollar deeq ahaan  ay u gudoonsisay Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Wasiir dawlaha wasaarada arrimaha dibada ee JDFI
Ambassador Ridwan Xuseen ayaa shalay deeqdaas ku wareejiyay masuulinta dawlada Jabuuti.

 

Amb.Ridwan oo munaasabadan ay ku wada kulmeen wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga calamiga ee Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Maxamad Yusuf, ayaa sheegay in labada dal ee walaalaha ah ay ku waajibka tahay inay iska kaalmeyaan waqtiyada marxaladaha adag sida covid19 oo kale ee saameyay labada dal ee walaalaha ah iyo gabi ahaan dunida.

 

Wasiirka arrimaha dibada iyo  iskaashiga calamiga ee Jamhuuriyadda jabuuti Mudane Maxamad Yusuf ayaa dhinaciisa caddeeyay in Jabuuti ay Itoobiya ku taagersan tahay mowqifkeeda ku waajahan Dhismaha biyo xidheenka Abay.

 

Sida la ogsoon yahayna labada dal ee jaarka ah ayaa waxay wadaagaan iskaashiyo dhaqaale,dhaqamo wada jir ah iyo xidhiidh sookeye oo soo jireen ah oo u dhaxeeya bulshoyinka Itoobiya iyo Jabuuti.
You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.