Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo bogaadiyay iskaashiga uu la leeeyahay shiinaha ee ka dhanka ah Covid-19

Ababa Sep 7, 2020 (Baagume 2,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Danjiraha Itoobiya u fadhiya Shiinaha Teshome Toga ayaa bogaadiyay iskaashiga  badbaadinta nafeed ee dhanka ka hortaga COVID-19 ee ay wada yeesheen dalalka Itoobiya iyo Shiinaha.

Isaga oo si gaar ah ula hadlayey wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua, danjire Teshome waxa uu sheegay in shiinuhu ahaa saaxiib garab u ah Itoobiya maadaama dagaal lagula jiray xakamaynta faafitaanka COVID-19.

”Itoobiya waxay taageero ballaadhan ka heshay dowladda Shiinaha ,taageeradaas oo ahyd oo agab caafimaad, siinta tababarro dhanka caafimaadka ah iyo sidoo  kaalmo toos ah ee oo ay gacan kaga geysanayeen khubarada caafimaadka ee Shiinahu,” ayuu yidhi.

“Labada dal waxay diyaariyeen dhowr arrimood oo kale oo la xidhiidha COVID-19 oo ay ku jiraan wadaagista khibrada Shiinaha ee ka hortagga COVID-19 si looga caawiyo dalkan Itoobiya dagaalka ka dhanka ah COVID-19,” ayuu raaciyay Teshome.

ilaa hadda tirada xaaladaha fayraska ee laga xaqiijiyay dalkan  Itoobiya ayaa gaadhay 58,672 halka ay feyraska u geeriyoodeen 918 islamarkaana ay kasoo caacimaaden 21,307 qof sida ay warbixinteeda kusoo saartay wasaaradda caafimaadku.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.