Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo diiwaangeliyay 157 kiis oo cusub , 298 bogsaday iyo 5 dhimasho ah.

Addis Ababa june 29,2020 (Senee 22,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- 3,693  qof oo tijaabo shaybaadh  lagu sameeyay 24 kii saacadood ee ugu dambeeyay waxa xanuunka saf-marka covid-19 laga helay 157 qof oo ka mid dadkaas la baadhay ,sida ay warbixintii u dambaysay ku soo saareen Wasaaradda Caafimaadka iyo mac-hadka fayo-dhawrka Caafimaadka ee dalkan Itoobiya.

Kiisaska guud ee feyraska ayaa hadda u boodday (gaadhay) 5,846,iyada oo dadka cusub ee maanta xanuunka laga helay ay da’doodu u dhaxayso,1ilaa 80 jir ,kuwaas oo 97 yihiin rag halka 60- ka kalena haween yihiin.

Dhammaan kiisaska la xaqiijiyay waa muwaadiniin u dhalatay dalkan Itoobiya marka laga reebo hal qof ajaanib ah.

132 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waxa laga xaqiijiyay Magaalada Addis Ababa ,Deegaannada kale kiisaska waxa laga diwaangeliyay waa sida tan:-
D.Amxaarada 5, M.M.diridhabe 5 ,D.Canfarta 5, sido kale waxa min saddex kiis laga helay D.D.Soomaalida, D.Tigray-ga iyo D.Oromada halka hal kiis -na laga diwaangeliyay D.Bishaanguul Gumuz.

dhanka kale ,waxa  xanuunka kasoo caafimaaday 298 qof ,24 kii saacadood ee u dambeeyay kuwaas 200 ka mid ahi ay Addis Ababa ku dhaqan yihiin halka D.D.Soomaalida ay feyraska ka kasoo bogsadeen 87 ruux ,deegganada kale waxa kasoo caafimaaday feyraska :-
D. Amxaarada:9 , D.Oramada: 1 ,iyo M.M diridhabe oo hal kiis ah,kuwaas tirada guud ee feyraska ka caafimaaday ka dhigay 2430.

Geesta kale ,waxa maanta xanuunka faafaha daran u geeriyooday 5 qof oo kale 24 kii saacadood ee la soo dhaafay
Tirada guud ee dhimashada feyraska ee dalkan Itoobiya ayaa hadda maraysa 103 ruux.

Ilaa iyo hadda ,dalkan Itoobiya waxa tijaabooyin shaybaadh la mariyay 250,604 qof.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.