Fana: At a Speed of Life!

Kiisaska feyraska ee dalkan Itoobiya oo dhaafay 5000 kiis.

Addis Ababa june 24,2020 (Senee 17,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- ka dib 4,034 shaybaadh oo la sameeyay 24 kii saacadood ee ugu dambeeyay waxa xanuunka saf-marka covid-19 laga helay 186 qof oo ka mid dadkaas la baadhay .sida ay warbixintii u dambaysay ku soo saareen Wasaaradda Caafimaadka iyo mac-hadka fayo-dhawrka Caafimaadka ee dalkan Itoobiya.

Kiisaska guud ee feyraska ayaa hadda u boodday (gaadhay) 5,034 ,iyada oo dadka cusub ee maanta xanuunka laga helay ay da’doodu u dhaxayso,6 ilaa 75 jir ,kuwaas oo 73 yihiin rag halka 113- ka kalena haween yihiin.

Dhammaan kiisaska la xaqiijiyay,waa muwaadiniin u dhalatay dalkan Itoobiya marka laga reebo 5 qof oo ajaanib ah

147 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waxa laga xaqiijiyay Magaalada Addis Ababa halka D.D.Soomaalida laga diwaangeliyay 16 kiis ,sidoo kale 10 qof ayaa laga xaqiijiyay D.canfarta  ,magaalada diridhabe waxa xanuunka covid-19 laga helay 8 qof halka D.Oromada laga diwaangeliyay 8 ruux , hal kiis oo feyraska ah ayaa isna laga xaqiijiyay D Shucuubta koonfureed.

dhanka kale ,waxa xanuunka kasoo caafimaaday 74 qof ,24 kii saacadood ee u dambeeyay kuwaas 63 ka mid ahi ay Addis Ababa ku dhaqan yihiin halka D.Tigrayga ay feyraska ka kasoo bogsadeen 6 ruux sidoo min 2 laba qof ayaa feyraska ka kacay Deegaannada Soomaalida iyo Shucuubta  koonfureed halka D.Herarida -na uu hal qof kaso caafimaday feyraska kuwaas tirada feyraska ka caafimaaday ka dhigay 1486.

Geesta kale ,waxa maanta xanuunka faafaha daran u geeriyooday 3 qof oo kale 24 kii saacadood ee la soo dhaafay iyada dadka geeriyooday ay ku jireen 2 haween oo Soomaali ah oo da’doodu 19 iyo 40 jir kala ahayd islamarkaana ay u dhinteen feyraska ka dib markii maydkoodii laga helay feyraska.

Tirada guud ee dhimashada feyraska ee dalkan Itoobiya ayaa hadda maraysa 78 ruux.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.