Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo diiwaangeliyay kor u kacii kiisaska feyraska ee ugu badnaa iyo 23 dhimasho ah

Addis Ababa Aug 13, 2020 (Nehaase 7,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Caafimaadka ee dalkan Itoobiya ayaa shalay warbixinteedii maalinlaha ahayd ku diiwaangelisay 943 xaaladood oo cusub oo feyraska koroona ah 24kii saacadood ee la soo dhaafay ka dib markii baadhitaan sheybaadh la mariyay 14, 540.

Geesta kale Wasaaradda cafimaadka ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay diiwaangelisay tiradii ugu badnayd xaaladaha dhimashada ee feyraska iyada oo ay u geeriyoodeen 23 ruux kuwaas tirada guud ee u dhimatay feyraska guud ahaan dalka u boodsiiyay(ka dhigay) 463.

Tirada guud ee feyrasku ku dhacay guud ahaan dalka ayaa hadda ku taagan 25,118.

Dhanka kale ,Wasaaradda Caafimaadka ayaa diiwaangelisay 338 qof oo kasoo ladnaaday feyraska(bogsaday) 24-kii saacadood ee la soo dhaafay kana dhigay tirada guud ee ka caafimaaday feyraska 11,034.

Dadka ku jira qaybta xaaladda ildarnaanta ah (aadka u xanuunsanaya) ayaa iyana dhan 178 ,ruux halka guud ahaana ay xanuunka u jiifaan (uu hayo) 13,619.

Ilaa hadda dalkan Itoobiya ayaa baadhitaan sheybaadh ku fuliyay 535,431 qof.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.