Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo soo bandhigay daabacaadda waraaqo lacageed oo cusub

Ababa Sep 14, 2020 (Maskerem 4,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaaraha JDFI DR. Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaaday in lacagta waraaqaha ah ee haatan la isticmaalo la bedelayo.

Dawladda Itoobiya waxay maanta soo bandhigtay waraaqo cusub oo lacag ah, oo leh astaamo ammaan oo kor loo qaaday iyo waxyaabo kale oo lagu garto.

Sida uu warbintan ku sheegay xafiiska Ra’iisal wasaarahu ,lacagta la bedelayo waxa ka mid ah 10-ka,50-ka, iyo 100 -ka Birr,waxa kale oo bayaanka lagu xusay in lacag waraaq ah oo  isku taalla qiimaheeduna yahay 200 Birr la soo daabici doono.

Sidoo kale waxa bayaanka lagu xusay in lacagta 5-ta Birr ay sideedii ahaan doonto in muddo ah ka dibna sunuud(senaati) lagu bedelli doono.

Dhanka kale ,ra’iisal waraasaha ayaa carrabka ku dhuftay in isbedelkaasi lagu sameeyay lacagta ay door muhiima ka qaadanayso lacag yaridii ka jirtay hay’addaha ku lug leh lacagta.

Waxa uu intaa raaciyay in lacagtan cusub daabacadeedii la dhammaystiray islamarkaana ay haatan ku jirto maqsinnada bankiga qaranka  Itoobiya

Beddellida lacagta waxaa loogu talagalay in lagu soo ururiyo lacagaha ku baxaya hab aan sharciga waafaqsanayn iyo kuwa ka baxsan hay’adaha maaliyadeed, iyo in la xakameeyo musuqmaasuqa iyo koontarabaanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.