Fana: At a Speed of Life!

Dalkan oo wacad ku maray in xoojinayo dedaalada diblamaasiyadeed ,si loo xalliyo xiisadda ka taagan xadka uu la wadaago Suudaan

Addis Ababa,Dec 29, 2020 (Tehsas 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dowladda dalkan Itoobiya ayaa wacad ku martay inay xoojinayso dadaallada dublamaasiyadeed si ,si nabad ah loogu xalliyo xiisadda ka taagan xadka ay la wadaagto dalka Suudaan.

Danjire Dina Mufti ahna Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibada ee dalkan Itoobiya, ayaa yidhi
“In kasta oo ay fududahay xiisadda hadda ka taagan xadka , dowladdu waxa ay xoojin doontaa dadaalkeeda ku aaddan in si nabad ah lagu xalliyo xiisadda”.

Danjire Dina ayaa warbixintiisii ​​toddobaadlaha ahayd waxa uu maanta ku sheegay in Itoobiya aanay dan ugu jirin dagaal dhanka xuduuda ah oo  ay la gasho Suudaan balse waxa uu ku eedeeyay in xiisaddan ay dabada ka riixayaan kuwa doonaya in ay ka faa’iideysanaya colaadda.

Si kastaba ha ahaatee, “Suuragal ma aha in la yidhaahdo Saraakiisha Dowladda Suudaan kuma lug laha xiisadda,” ayuu yidhi.

Dhanka kale mar uu ka hadlayay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanka Tigray, wuxuu sheegay in arrimuhu caadi ku soo noqonayaan, sheekooyinkii la marin habaabiyay ee howlgalkuna at si tartiib tartiib ah meesha uga baxayaan.

“Warbaahinta ayaa ka gaabisay tebinta xaqiiqda jirta laakiin xaqiiqdu waxa ay tahay in kooxdii TPLF ay jareen khadadkii korontada iyo isgaadhsiinta, dumiyeena buundooyinkii, wadooyinkii iyo garoomo diyaaradeed”.ayuu yidhi

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.