Fana: At a Speed of Life!

Dawlada Ingiriiska oo ansixisay tallaalka ka hortaga Covid-19 ee Pfizer/BioNTech

Addis Ababa DEC 02, 2020 (Hidar 23,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Dalka Ingiriiska  ayaa noqday waddankii ugu horreeyey adduunka ee ansixiya talaalka xanuunka coronavirus ee Pfizer / BioNTech.

Madaxa dawlada Ingiriiska u qaabilsan dabadagalka daawooyinka iyo daryeelka caafimaadka (MHRA,) ayaa sheegay in tallaalkani uu waxtarkiisu yahay 95% islamarkaana badbaadadiisa la dhammaystiri doono toddobaadka soo socda.

Tallaalka qaybintiisa waxa  maalmo gudahood laga gaadhiis karaa dadka sida aadka ah ugu  baahan, sida dadka waayeelka ah ee lagu daryeelo guryaha.

Dawladda Ingiriisku waxay horey amar ugu bixisay soo saaridda 40 milyan tallaal si loogu ku tallaalo 20 Milyan oo qof.

Ku dhawaad 10 milyan oo tallaal ayaa dhowaan diyaar ah , iyadoo  ay 800,000 ee ugu horreeya tallaalka  uu soo gaadhi doono ingiriiska maalmaha soo socda.

Shaacinta tallaalkan ayaa waxa ay daba socotay xilli bilihii lasoo dhaafay ay ha’adda caafimaadka adduunka ee WHO ku dhawaaqday in bisha December uu diyaar noqon doono tallaalka cudurka Covid-19.

 BBC.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.