Fana: At a Speed of Life!

Dawladaha Itoobiya, Suudaan iyo Masar oo dib u bilaabay wadaxaajoodyadii ku saabsana biyo-xidheenka.

Addis Ababa Aug 4, 2020 (Hamle 28,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Dawladaha Itoobiya, Suudaan iyo Masar ayaa shalay dib u bilaabay wadaxaajoodkoodii si ay u xalliyaan khilaafkii muddada dheer soo jiray oo ku saabsan buuxinta iyo hawlgalka biyo-xidheenka (GERD).

Wasiirrada biyaha iyo waraabka ee saddexda waddan ayaa ka qeyb galay dood lagu qabtay khadka tooska ah ee maqalka iyo muuqaalka maadaama uu jiro cudurka faafa daran ee coronavirus.

Kulankan casriga ah waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socda Midowga Afrika iyo Koonfur Afrika, iyo guddoomiyaha xilligan ee Midowga Afrika,Saraakiil ka socda Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa iyaguna goobjoog ka ahaa kulanka.

Wadahadalkan ayaa yimid maalin kadib markii tobanaan kun oo Itoobiyaan ah ay daadad ku qaadeen wadooyinka magaalada Addis Ababa, si ay u dhigaan isu soo bax loogu dabaaldegayo wejiga koowaad ee buuxinta kaydka biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya.

Itoobiya waxay mar kale dib ugu celisay mawqifkeedii cadaaladda iyo macquulka ahaa ee wabiga Abay ee ahaa in biyo xidheenku uu awood u siin doono malaayiin muwaadiniin ah oo aan haysan korantada kaasi oo ka caawinaya in laga soo saaro saboolnimada sidoo kalena abuuraya is dhexgalka dhaqaale oo gobolka ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.