Fana: At a Speed of Life!

Dawladda, iyo Xisbiyada siyaasadda ee dalka oo ka wada hadlay dib u dhigista doorashada.

Addis Ababa, April 29, 2020 (FBC/SOMALI) –R/Wasaare, Dr Abiy Ahmed ayaa la kulmay madaxda sare  ee xisbiyada siyaasadda ee dalkan JDFI, si ay uga wada hadlaan  xaaladda COVID-19, iyo in dib loo dhigo jadwalka doorashada qaran iyo xulashooyinka sharciga ah.

Dowladda ayaa horey u soo bandhigtay afar ikhtiyaar oo la xidhiidha dib u dhigista doorashada ,sababo la xidhiidha cudurka dilaaga ah ee karoona fayras ee dalka ka jira. Doorashada ayaa markii hore qorshuhu ahaa inay qabsoonto  bisha Agoosto 29, 2020.

Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud JDFI , Dr. Gedion Timotiwos, ayaa soo bandhigay afarta ikhtiyaar ee ay dowladdu u soo jeedisay in wax looga qabto arrimaha la xidhiidha doorashooyinka.

Waxaana ay u dhignaayeen sidan:

1. Kala diridda Golaha Wakiilada (Baarlamanka)

2. Ku dhawaaqidda Xaaladda Degdegga ah

3. Wax ka bedelka dastuurka, iyo

4. Sheegidda fasiraadaha dastuurka

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.