Fana: At a Speed of Life!

Dawladda JDFI oo bilaabaysa diiwaangelinta hubka shacabka

Addis Ababa Aug 11, 2020 (Nehaase 5,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasiirada Nabadda JDFI Marwo Muferixaat kamil ayaa sheegtay in Dowladda Itoobiya ay isku diyaarineyso bilaabista diiwaan galinta hubka ay heystaan ​​shacabku.

Sida ku xusan sharciga loo dejiyay xakameynta iyo maareynta hubka sharci darada ah ee Itoobiya, kuwa leh hubka waxaa looga baahanyahay in ay ku diiwaangashadaan hubkooda muddo labo sano gudahood, si loogu sharciyeeyo hubkooda.

Dhanka kale Wasiir mufarixaat ayaa intaa ku dartay in Wasaaradu ay wadday dadaallo ay ku dhaqan galineyso sharcigan iyadoo la kaashaneysa ciidamada amniga iyo cidda kale ee ay arrintaasi khusayso.

Waxay sheegtay in isku dayo badan oo hub sharci darro lagu soo gelinayay dhammaan xuduudaha dalka ay soo badanayaan iyada oo qulqulka hubka sharci darrada ahina uu yahay dambi caalami ah oo leh shabakado ballaadhan.

In kasta oo iibinta iyo iibsashada hubka ee Itoobiya ay tahay sharci darro, haddana adeegsiga hubka lagu haysto gudaha waddanka ayaa sii kordhayay, gaar ahaan qaybo ka mid ah waddanka oo haysashada hubka loo haysto in ay tahay sharaf.

Sidaa daraadeed, dawladda Itoobiya waxay qaadaysaa tallaabooyin lagu yaraynayo hubka sharci darada ah ee wadanka si loo yareeyo dhibaatooyinka.

Diyaargarawga loogu jiro soo gebagebaynta arrintan waxa ka mid ah soo saaridda barnaamij loogu talo galay ururinta macluumaadka iyo habaynta qaab dhismeedka ee hay’adaha dhexdooda, ayay baahisay wakaalada wararka itoobiya (ENA).

Wasiir Muferixaat ayaa tilmaantay in wadatashiyo lala sameyn doono bulshada ka hor inta aan diiwaangelinta la bilaabin.

Sharcigani waxa uu ka mamnuucayaa shacabka in ay lahaadaan, iibsadaan, iibiyaan, wareejiyaan ama tahriibiyaan hubka iyada oo aan ruqsad laga haysan xafiiska dawladda ee ku shaqada leh.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.