Fana: At a Speed of Life!

Dawladda oo shaaca ka qaadday in lasii wadi doono taageerada goobihii ay abaartu ku habsatay

Addis Ababa,Jan 24,2022 (Dir 16,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Dawladda ayaa shaaca ka qaadday in lasii wadi doono taageerada goobihii ay abaartu ku habsatay.

Madaxa hay’adda maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah, Mudane Mitiku Kaasa ayaa sheegay in dawladdu ay sii wadi doonto islamarkaana sii xioojin doonto taageerada abaarta ku dhufatay meelaha kulaalaha ah ee ay ku noolyihiin dadka xoolo-dhaqatada ah.

Sida ay warbixintu sheegayso abaartaasi ku habstay sannadkan dhinca koonfureed iyo koonfur-bari ee Itoobiya ee ay ku noolyihiin xoola-dhaqtadu oo ah nawaaxi kulaale ah ayaa waxa loo nisbaynayaa isbedelka cimilada sii kululaanaysa ee Laaliina.

Sidoo kale warbixin aan ka helnay wakaaladda wararka ee Itoobiya (ENA) ayaa lagu sheegay in mudane Mitiku Kaasa uu shaaca ka qaaday in meelihii ugu darnaa ee abaartu ku dhufatay, kuwaas oo ay ka mid yihiin 9 gobol oo ka tirsan deegaanka Soomaalida, Bariga Gobolka Guji iyo Borana oo ka tirsan deegaanka Oromada iyo weliba kulaalayaasha Hararge iyo Baale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.