Fana: At a Speed of Life!

Deegaanka Hararida oo 10 milyan oo birr ugu deeqay shacabka abaaraysan ee Deegaanka Soomaalida

Addis Ababa,Jan 17,2022 (Dir 09,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha deeegaanka Hararida Ordin Badri  iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Jigjiga, waxaana ay masuuliyiintani deegaanka Soomaalida ku wareejiyeen deeq lacageed oo dhan 10 milyan oo birr oo loogu talagalay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaanka soomaalida.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa madaxtooyada Deegaanka ku qaabillay masuuliyiin uu hoggaaminayo Madaxweynaha Deegaanka Hererida mudane Ordin Badri oo ay weheliyaan qaar kamida masuuliyiinta golaha-fulinta Deegaankaasi.

Masuuliyiinta ayaa u siday shacabka Deegaanka deeq lacageed oo dhan 10 milyan oo birr oo uu sheegay Madaxwaynaha deegaanka Hereridu in ay billow u noqonayso gurmad ballaadhan oo ay kaga qayb’qaadanayaan abaarta ka jirta Deegaanka Soomaalida “dhawaana waxaan inasoo gaadhsiin doonaa deeq raashin ah” ayuu yidhi mudane Ordin Badri.

Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Madaxweynaha DDS, ayaa uga mahad-naqay Madaxweynaha Hererida iyo masuuliyiinta uu hoggaaminayo deeqda lacageed ee ay walaalohooda abaaraysan soo gaadhsiiyeen.

Deegaannada Dalka ayaa wakhtigani u muuqda kuwa garab u noqonaya shacabka Deegaanka Soomaalida ee ay abaartu saamaysay, taasi oo muujinaysa is-caawinta iyo isu-danqashada shucuubaha reer Itoobiya ee wakhtiyada adag.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.