Fana: At a Speed of Life!

Deegaanka Somalida oo Noqday Deegaankii 2aad Ee Laga Hirgalinayo Adeega Internetka ee 4G

Addis Ababa,Mar 05, 2021 (Yekatit 26,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shirkada isgaadhsiinta laanta Deegaanka iyo Qandaraaslayaasha fulinaya adeegani ayaa yeeshay Kulan lagaga wada Xaajoonayey sidii Adeegani loogu fulin lahaa Xiligii loogu talo galay iyo sidii looga gashaaman lahaa caqabadaha imaan kara.

Waxaana 52 ateen loo badalaya internetka 4G halka 10 Degmo oo kamida deegaankana loo samaynayo ateeno cusub.
Qandaraaslayaasha iyo shirkada ayaa isla qaatay in 7aadka dambe ay bilaabi doonaan.

Kulankan ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiir kuxigeenka xafiiska madaxwaynaha DDS mudane Maxamed Yuusuf, isagoona kula dardaarmay in sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabo Adeegan Maadaama ay baahi badan u qaban bulshadu ayna ka xukumad ahaan kala shaqaynayaan dhamaystirka adeegan.

Dhankiisa Mudane Bafakadhu Abiyi Maareeyaha Ethio telecom laanta deegaanka ayaa sheegay in ay Xarumo kale oo adeega bixin doona ay ka furi doonaan Magaalada jigjiga si loo xaliyo dhibaatooyinka dhanka adeega internetka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay inay jiraan dad dhibaatooyin u gaysta xadhkaha internetka, ayna wakhti xaadirkani xabsiga ku jiraan 5koox oo kamida dadkaasi.

Adeegan inerneetka 4G ayaa ah mid xalinaya dhibtooyinkaas.

bulshada deegaanka ayaa mudo badan naawilayay in ay kaga bixi doonaan baahidii dhanka adeega internetka.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.