Fana: At a Speed of Life!

Deegaanka Soomaalida oo iclaamiyay qorshe dhir-beerid ah oo halkudhig looga dhigay ”aan u labbisno deegaankeenna”

Addis Ababa,July 27, 2021 (Hamle 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guud ahaanba Deegaanka Soomaalida 24/hamle/2013 T.I ama 31/july/2021 waxaa si guud looga samayn doonaa qorshaha dhir-beerista ee loogu magac daray ”aan u labbisno deegaankeenna”.

Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Deegaanka, Kaymaha Iyo Isbaddalka Cimilada DDS, Mudane C/qaadir Maxammed Xasan ayaa shacab weynaha Deegaanka u diray farriin ogeysiis ah oo ku saabsan in si wadajir ah looga qeyb-qaato qorshaha dhir-beerista .

Qorshahan oo ah mid la jaan-qaadaya horumarka iyo sidii loogu noolaan lahaa deegaan nadiif ah ayaa Xafiiska Deegaanka, Keymaha Iyo Isbaddalka Cimilada ee DDS u qorshaysan maalintaas in uu Deegaanka ka beero 1 miyan oo geed iyo in uu deegaannada jaarka ah ugu deeqo 360 kun oo geed.

Dhanka kalena, wasiir-ku-xigeenka ayaa sheegay in maamul-magaalooyinka iyo bah-wadaagta xafiiska looga baahan yahay in ay u diyaar garoobaan qorshahan, islamarkaana door muhiim ah ay ka qaataan.

Xigasho:Somali Mass Media

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.