Fana: At a Speed of Life!

Deegaanka Soomaalida oo la guddoonsiiyay qadar lacageed oo dhan 50 milyan oo Birr

Addis Ababa,DEC 02,2021 (Hidar 23,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Macdanta Tamarta Iyo Shidaalka JDFI ayaa xukuumadda deegaanka Soomaalida ku wareejiyay 50 milyan oo Birr.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, madaxweyne-ku-xigeenka DDS, mudane Ibraahim Cusmaan iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadda Deegaanka ayaa 50 milyan oo Birr oo loogu talo’galay horumarinta aas-aasiga ah ee bulshada kala wareegay wafti uu horkacayay wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Shidaalka JDFI Taakal Umma oo saaka gaadhay magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha DDS oo deeqdan uga mahad-celiyay ayaa sheegay in ay tahay xilli shacabka Deegaanku ay baahi u qabaan in kor loo soo qaado horumarka aas-aasiga ah, wax badanna ka tari doonto xilligan abaarta iyo kulaylaha badan lagu jiro.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta JDFI, Inj. Taakale Umma ayaa sheegay in lacagahan ay ku soo deeqeen shirkadaha shidaalka iyo kuwa sibidhka, taasna loogu talo’galay in lagaga shaqeeyo horumarinta bulshada Deegaanka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in bulshada ku dhaqan deegaanada macdanta leh looga baahan yahay inay ka faa’iidaystaan ​​macdanta iyo shidaalka ,taas oo ay ka helaan fursado shaqo abuur amaba ugaga faa’idaysan  karaan siyaabo badan oo dhinaca horumarka ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.