Fana: At a Speed of Life!

Deegaanka Soomaalida oo soo iibsaday 40 gaadiidka noocoodu yahay qabaallada

Addis Ababa,Aug 29,2021 (Nehase 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)-150 gaadiidka kala duwan ah oo ay xukuumaddu deegaanku dalbatay ayaa waxaa Deegaanka soo gaadhay 99 gaadhi oo ka mid ah  gaadiidkaasi.

Gaadhiidkan oo ah mid kala duwan ayaa 40 ka mid ah shalay lagu wareejiyay hay’adda amniga Deegaanka si loogu qabto shaqooyinka loogu talo’galay, halka 59 gaadhi ee soo hadhayna loo qorsheeyay xafiisyada heer deegaan iyo kulliyadaha in la siin doono.

Gawaadhidan oo ah intooda badan kuwa fudud ee shaqooyinka ayaa waxaa ku baxday lacag gaadhaysa 426 Milyan oo Birr sida uu sheegay Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Mudane Maxammed Yuusuf Rooble.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.