Fana: At a Speed of Life!

Deegaanka Tigray oo gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad iiibinayay 4,400 oo jawaan oo ah qamadigii gargaarka ahaa dadka tabaalaysan loogu talogalay

Addis Ababa,June 17, 2021 (Senee 10,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Deegaanka Tigray ayaa waxa gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad iiibinayay 4,400 oo jawaan oo ah qamadigii gargaarka loo siiyay dadka baahan ee deegaankaasi ku nool.

Sida uu sheegay xafiiska hoggaanka nabadgelyada ee maamulka meelgaadhka ah ee deegaanka Tigray ,ayaa waxa  kooxahaasi la qabtay  xilli ay iibinayeen qamadigaasi gargaarka loo siiyay dadka ku  tabaalaysan deegaankaasi.

Wakaalada wararka Itoobiya ayaa sheegtay in raashinkaas oo loogu talogalay dadka barakacayaasha ah lagu qabtay, iyaga oo ay iibinayeen kuwii loogu talogalay in raashinkaasi ay u qaybiyaan barakacayaasha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.