Fana: At a Speed of Life!

Dhemeke oo u mahadceliayay Afrikaanka iyo Saaxiibada is-garabtaagay waqtiyadii Imtixaanka

Addis Ababa,FEB 03,2022 (Dir 26,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Dhemeke Mekonnen ayaa sheegay in Afrika nabad iyo barwaaqo ay gaadhi karto haddii dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay si wadajir ah u ugu istaagaan curinta fikir cusub, iskaashi xooggan, iyo midnimo ujeedo leh.

Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ka jeediyay khudbad soo dhaweyn ah oo uu shalay ka jeediyay munaasabad casho sharaf ah oo loo sameeyay ka qeyb galayaasha Kalfadhiga 40-aad ee shir-madaxeedka  Golaha Fulinta ee Midowga Afrika.

Wuxuu u mahadceliyey dhammaan intii garab istaagtay Itoobiya xilliyadii ay imtixaanka ku jirtay, isagoo soo hadal qaaday iskudayga lasoo abaabulay ee warbaahinta caalamka, hay’adaha qaar iyo qaar ka mid ah beesha caalamka oo isku dayay inay cadaadis siyaasadeed oo aan loo baahnayn saaraan Itoobiya.

Marka la eego xaqiijinta himilooyinka horumarineed ee Afrika sida ku xusan ajendaha 2063, Itoobiya waxay dhisaysaa biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD) si ay u gaadho tamar la isku halayn karo iyadoo ku kalsoon inuu noqon doono mashruuc guul leh oo hoos yimaadda hoggaanka Midowga Afrika, ayuu yidhi.

Ra’iisal wasaare kuxigeenka iyo wasiirka arrimaha dibedda ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay Itoobiya uga go’an tahay dimuqraadiyeynta isagoo xusay doorashadii 6-aad ee daah-furnaanta iyo dimuqraadiga ahayd ee qabsooontay iyo tallaabooyinkii ka dambeeyay ee la qaaday si golaha wasiirrada xukuumadda cusub ay u noqdaan kuwo ay ka muuqdaan xisbiyadii tartamayay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhawaan la sii daayay shaqsiyaad siyaasiyiin ah, la samayeeyay guddiga wada tashiga qaran, iyo in la qaaday xaaladdii degdegga ahayd ay muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay xaqiijinta nabad waarta oo dalka ka hanaqaadda.

Ugu dambayna waxa uu wasiirada u rajeeyay  in ay  yeeshaan wada tashiyo midho dhal ah iyo in ay  waqti faraxad leh ku qaataan Addis Ababa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.