Fana: At a Speed of Life!

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal) Miraad Leyli ee Magaalada Goday oo dhismihiisa maanta bilawday Shirkad dalka Shiinaha laga leeyahay.

Addis Ababa,Jan 26, 2021 (Dir 18,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dhismahan oo ah mid casri ah oo dhamaan loo dhamaystirayo maqaamka ka dhigaya mid heer caalami ah, ayaa lahaan doona qaybaha dab-bamiska, Xafiisyo, Goobta VIP da ah iyo fadhiisimaha diyaaradaha.

Garoonkan diyaaaradeed ee ay yeelanayso magaaladda Goday waxa si rasmi ah u dhagax-dhigay Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumad Cumar.

Waxaana gacanta ku haysa shirkada marka magaceega la soo gaabiyo loo yaqaano CCCC oo dalka China laga leeyahay, iyadoo shirkadu ku dhamaystiri doonto dhismaha garoonkan muddo 24 bilood ah.

Dhismahan sida casriga ah loo dhisayo ayaa waxaa ku baxaysa adduun lacageed oo dhan 600 Milyan oo birr.

Xafiiska Warfaafinta DDS.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.