Fana: At a Speed of Life!

Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay dalka Croatia

Addis Ababa,Dec 30, 2020 (Tehsas 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ugu yaraan 7 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay 20 kalana ay ku dhaawacmeen, dhul-gariir Talaadadi ka dhacay bartamaha dalka Croatia ee qaaradda Yurub.

Dhul gariirka oo uu lixaadkiisu la ekaa 6.4 cabbirka dhul-gariirrada ayaa laga dareemay dhowr waddan oo deris la ah Croatia, waana marki labaad oo muddo laba maalin gudaheed uu dhul-gariir ka dhacayo Croatia.

Kooxaha badbaadada ayaa guryaha burburay hoostooda kasoo bixiyay dhowr qof gudaha magaalada Petrinja iyo deegaannada u dhaw dhaw. Ciidamada millatariga ayaa loo diray aaggaasi si ay dadka u caawiyaan.

Meelaha kale ee laga dareemay dhul-gariirka ayaa waxaa ka mid ah caasimadda Croatia ee Zagreb iyo caasimadda Austria ee Vienna halka dalka deriska la ah ee Slovenia uu xiray warshadda kaliya ee niyukleerka sameysa, si looga dhowrsado khasaare uu sababo dhulgariirka.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.