Fana: At a Speed of Life!

Dibad-baxyo xooggan oo looga soo horjeedo dilkii jenenaalkii Iran oo ka dhacay Ciraaq

Addis Ababa,Jan 03, 2021 (Tehsas 25,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dibad-baxyo xooggan oo ka dhacay dalka Ciraaq ayaa lagu xusay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay duqeyntii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Maraykanku ay meel u dhow magaalada Baqdaad kula beegsadeen Jeneraalkii ugu sarreeyay ciidammada sida gaarka u tabbaran ee Al-Qudus ee dalka Iran Qaassim Suleymaani iyo hogaamiyihii maleeshiyada ay Iran taageerto ee gudaha dalka Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis.

Kumanaan kun oo baroor diiqayaal ah ayaa socod dheer ku maray wada muhiimka ee tagta garoonka diyaaradaha Baqdaad fiidnimadii Sabtidii halkaas oo ay ka dhacday dilkii loo geystay labada hoggaamiye.

Dibad-baxyadan ayaa kusoo beegmay xilli militariga Ciraaq ay sheegeen in khubaradooda walxaha qarxa oo ay wehelinayeen ciidamada baddu ay si guul leh uga hortageen miino la ogaaday in lagu rakibay markab shidaal oo ku sugan gacanka Beershiya laba maalmood ka hor.

Bayaanka soo baxay sabtidii ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Ciraaq ay bilaabeen baadhitaan ku aadan dhacdadan. Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda miinada.

Xiisadd u dhaxaysa Tehran iyo Washington ayaa cirka isku shareeraysay iyada oo hadda ay sannad-guuradii koowaad kasoo wareegtay dilkii hoggaamiyihii ugu sarreeyay ciidammada ilaalada kacaanka Iran ee Qaasim Sulaymaani.

Waraaq ay Iran khamiistii u dirtay golaha Amaanka ee qaramada midoobay waxa ay ku cambaareysay “halista militari” ee Mareykanka ka wado biyaha Khaliijka iyo Cumaan, iyo “macluumaad been abuur ah, eedeymo aan sal iyo raad lahayn iyo hadallo hanjabaad ah” oo ka dhan ah Tehran.

Maalin ka hor, millatariga Mareykanka ayaa laba diyaaradood oo ah nooca xambaara madaxyada nukliyeerka ee B-52 dulmariyay Gacanka carabta taas oo uu farriin ugu dirayay Iran.

Xiisada u dhaxaysa Iran iyo Maraykanka ayaa laga cabsi in ay isku bedesho gacan –ka-hadal,taas oo Iran xilli kasta laga filan karo in ay jawaab deg-deg ah ka bixiso dilalkii qorshaysnaa ee loogaga dilay hoggaamiyaheedii ugu sarreeyay ciiddamada Al-Qudus ee Qaasim Sulaymaani iyo Muxsin Fakhri Saadah oo ahaa khabiir ku takhasusay barnaamijka Nukliyeerka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.