Fana: At a Speed of Life!

Dina Mufti:’Itoobiya iskama indhatirayso xidhiidhka kala dhaxeeya Maraykanka’

ddis Ababa,June 02, 2021 (Ginbot 25,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Af-hyeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Danjire Dina Mufti ayaa shirkiisii jaraa’id ee toddobaadlaha waxa ku sheegay in toobiya  aanay iska indhatirayn xidhiidhka kala dhaxeeya Maraykanka.

Xayiraadda dalka ku galka(Visaha) ee Mareykanku ku soo rogay Itoobiya xilli uu waddanku isu diyaarinayo doorashooyin dimuqraadi ah oo xalaal ah waa arrin  aan la aqbali karin oo caddaalad darro, ayuu yidhi.

Wuxuu intaa sii raaciyey in Maamulka Biden ay tahay in ay ixtiraamaan xidhiidhka dhow  ee 120 jirsaday ee ay la leeyihiin Itoobiya dibna uga fiirsadan go’aanka xayiraada  ay ugu  soo rogeen dalka ku galka masuuliyiinta Itoobiya.

Geesta kale,Af-hayeenku wuxuu meesha ka saaray warar la isla dhex marayay oo ku aadaana in Itoobiya xidhiidhka dublamaasiyadeed u jarayso Maraykanka islamarkaana xidhiidha adag la samaysanayo dalalka Shiinaha iyo Ruushka.

Itoobiya waxay ixtiraamaysaa xidhiidhka kala dhaxeeya Mareykanka waxayna aaminsan tahay in cunaqabateynta aan laga fiirsan uu Maraykanku xilligan qalqaalinayo uu ka waantoobo, gaar ahaan waqtigan oo dadweynaha Itoobiya  isu diyaarinayaan xuquuqdooda dimuqraadiyadeed ee ah in ay doorasho u dareeraan iyo natiijo fiican oo ay ka gaadhaan Biyo-xidhhenka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.