Fana: At a Speed of Life!

Diyaarad sidda imtixaanka fasalka 12aad ee sanada dugsiyeedkii 2012 ee gobalada Qoraxey Nogob iyo Doollo ayaa maanta oo cagadhigatay garoonka diyaaradaha ee magaalada qabridahar.

Addis Ababa,Feb 28, 2021 (Yekatit 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Diyaaradan ka dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada qabridahar ayaa waday imtixaanka fasalka 12aad ee heer qaran ee gobalada Qoraxey ,Nogob iyo Doollo.

Imtixaanka fasalka 12aad ee sannad dugsiyeedkii 2012 oo xaalada caabuqa coranvirus awgeed udib dhacay ayaa maanta gaadhay magaalada qabridahar ,ayadoona goballada kalana loo gudbin doono imtixaankan.

Intaasi kadib waxaa imtaxaankii loo gudbiyay oo lageeyay xarunta booliska gobalka qoraxay, si halkaasi loogu ilaaliyo inta lagaadhayo maalinta ay ardaydu ufadhiisanayaan imtixaanka oo kubeegan 29 yakaatiid.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.