Fana: At a Speed of Life!

Donald Trump oo laf dhuun gashay ku noqday Joe Biden

Addis Ababa,Dec 30, 2020 (Tehsas 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Mareykanka Joe Biden ayaa maamulka Trump ku eedeeyey inuu ku fashilmay tallaalka si wakhtigi looga talagalay lagu gaadhsiiyo shacabka Mareykanka.

Biden wuxuu intaasi ku daray maamulka Trump inuu horay u sheegay ilaa iyo dhammaadka bishan December inuu tallaalayo 20 malyan oo muwaaddiniinta Mareykanka ah.

Balse ilaa iyo hadda waxaa tallaal helay wax aan ka badneen 2.1 malyan oo qof, sida ay sheegtay xaruunta ka hortagga iyo xakameynta cudurrada ee dalkaasi Mareykanka.

Wuxuuna sheegay xilka marka loo dhaariyo inuu ka shaqeyn doono sidi wax badan oo khaldamay waddada saxda ah uu ugu soo celin lahaa.

Madaxweyne Trump oo Mr Biden jawaab u soo mariyey bartiisa Twitterkana wuxuu sheegay in dowladda dhexe ay tallaalkii loo baahnaa gobollada dalka Mareykanka oo dhan ay gaadhsiisay balse ay gobollada ku guul darreysteen tallaalka iney muwaaddiniinta gaarsiiyaan.

Mr Biden wuxuu dhankiisa qorsheynayaa 100 malyan qof inuu ku tallaalo 100-ka maalmood ee ugu horreeya uu xilka la wareego, isaga oo si rasmi ah xilka ula wareegayo 20-ka January.

Faayraska corona wuxuu haleelay 19.4 malyan oo qof oo Mareykanka ku nool halka ay 337,000 ay u dhinteen.

Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka ee la doortay Joe Biden ayaa shalay sheegayay in kooxdiisii kala guurka ay la kulmeen waxa uu ku tilmaamay carqalad qayru masuulnimo ah oo kaga timid hoggaanka siyaasadeed ee Wasaaradda Difaaca.

Wuxuu sheegay in kooxdiisa kala guurka aysan helin macluumaad ku filan meelaha muhiimka ah ee amniga qaranka.

Trump ayaa sidoo kale toddobaadkii la soo dhaafay qaaday tallaabooyin uu ku cafiyay saraakiil iyo askar loo haystay dambiyo kala duwan.

Madaxweyne Trump ayaa ku dadaalaya inuu fulliyo tallaabooyinka uu xaq u leeyahay ka hor inta uusan xafiiska banayn bisha Janaayo ee 2021-ka.

Hase yeeshee eedeyntaasi waxaa ganafka ku dhuftay ku simaha xoghayaha difaaca Christopher Miller.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.