Fana: At a Speed of Life!

Dood-cilmiyeed ku saabsanayd horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka xirfadlayaa oo ka qabsoontay magaalada Jigjiga

Addis Ababa,Apr 06, 2021 (Megabit 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dood-cilmiyeed looga hadlayay horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka xirfadlayaasha oo uu soo diyaariyay Xafiiska Tacliinta Sare ee deegaanka ayaa ka qabsoomay magaalada Jig-jiga.

Dood-cilmiyeedkan oo ay ka soo qeyb-galeen xafiisyada bah-wadaagta la ah Xafiiska Tacliinta Sare ee deegaanka ayaa looga hadlayay horumarinta xirfadaha kala duwan iyo ka-qeyb-galinta xirfadlayaasha ee dhanka shaqo-abuurka.

iyadoo ka-soo-qaybgalayaasha kulankan fahan buuxa laga siinayay hadafyada iyo istaraatajiyadda Xafiiska Tacliinta Sare iyo Wakaaladda Shaqo-abuurka Deegaanka, waxaana ugu horrayn kulanka furay masuuliyiinta Xafiiska Tacliinta Sare ee Deegaanka.

Dhankooda xafiisyada bah-wadaagta la ah ayaa halkan ka soo jeediyay talooyin iyo tusaalooyin ay isleeyihiin waa lagu horumarin karaa xirfadaha kala duwan ee ay bixiyaan kulliyadaha tababarrada ee Deegaanka iyo habka loo marayo shaqo-abuurka.

Dood-cilmiyeedkan ayaa daba socda carwo-bandhigeed uu dhawaan xafiisku soo bandhigay, tasoo muddo 7 cisho ah socon doonta, islamarkaana lagu soo bandhigay agabyo kala duwan oo hal-abuurka dhallinyarada ah.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.