Fana: At a Speed of Life!

Dowlad deegaannada Soomaalidda iyo Canfarta oo gaadhay heshiis nabadeed

Addis Ababa,Apr 09, 2021 (Miyasiya 01,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalidda iyo Canfarta ayaa wada gaadhay heshiis is afgarad ah oo dhigaya in si degdega loo joojiyo colaada ka dhex aloosan labadan deegaan ee salka ku haysa xuduudda ay wadaagaan oo muddooyinkii u dambeeyay  shaqaaqooyin ka dhacayeen.

Kulan ay labadan hoggaamiye isku hor fadhiisisay wasiiradda nabadda JDFI,marwo Mufiyaat Kaamil ,waxa ay labada dhinac iskula qaateen in la joojiyo colaada islamarkaana laga wadaxaajoodo sidii xalwaara loogu heli lahaa colaada soo noq-noqotay ee labada deegaan.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay mas’uuliyiin sar sare oo kala socday labada deegaan, iyo hoggaanka nabada iyo amniga ee xukuumadda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.