Fana: At a Speed of Life!

Dowladda Itoobiya oo ruqsadii shaqada kala noqotay saddex hay’addood oo shisheeye

Addis Ababa,Aug 04 ,2021 (Hamle 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wakaaladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee dalkan Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay  rukhsaddii shaqada kala noqotay saddex urur oo shisheeye ah.

Hay’addaha MSF Holland, Norwegian Refugee Council iyo Al Maktoume Foundation ayaa ah hay’adaha ay wakaaladu kala noqotay ruqsadhii shaqada, sida uu baahisayay xafiiska hubinta xaqiiqooynku.

In kasta oo ay hawlo bani’aadamnimo oo kala duwan ka wadeen gudaha Itoobiya, hay’addu waxay aqoonsatay xadgudubyo qaanuuni ah oo ay sameeyeen hay’adahaani marka ay daba gal ku sameeyeen dhaqdhaqaaqyadooda sida uu bayaan ku sheegay xafiiska hubinta xaqiiqooyinka dalkan Itoobiya.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska hubinta xaqiiqooyinka, MSF Holland iyo Hay’adda Qaxootiga ee Noorweey ,ayaa waxa ay baraha bulshada ku faafinayaan war aan sal iyo raad toona lahayn,iyaga oo baalmaray shaqadii loogu talogalay ee ahayd in ay ku hawlgalaan.

Hay’addahan ayaa lagu eedeeyay shaqaalaysiiyeen dad ajaanib ah iyaga oo aan oggolaansho shaqo ka haysan dawladda Itoobiya in ka badan lix bilood, ayay raacisay.

MSF Holland, ayaa si sharci darro ah u soo waariday oo adeegsatay qalab idaacadeed dayax -gacmeed ,kaas oo aan oggolaansho ka haysan hay’adda ay khusayso ,waxaana hawlwadeennadii barnaamijkaa ku foogganaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka xilli u isticmaalayeen qalabkan ujeeddooyin sharci -darro ah.

Sidoo kale, Al Maktoume Foundation ayaa ku guul-darraysatay inay u hoggaansanto borotokoolka COVI D-19 ee Wasaaradda Waxbarashada, maamul xumadeeda miisaaniyadda, iyo ku takrifalka miisaaniyadda ee magaca dugsiga, iyo dhibaatooyinka maamulka shaqaalaha.

In kasta oo wada -hadallo dhowr jeer ah ay la yeesheen madaxda saddexdan urur, haddana way awoodi waayeen inay xaaladda hagaajiyaan, ayuu xafiisku intaas ku daray.

Wakaaladda Ururada Bulshada Rayidka ayaa sheegtay in hawlihii ururadii la hakiyay muddo saddex bilood ah si waafaqsan Qodobka 77 (4) ee xeerka No 1113/2011 ,ilaa go’aan kama dambays ah laga gaadhayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.