Fana: At a Speed of Life!

Dowladda Maraykanka oo walaac ka muujisay weerarrada ay kooxda TPLF ku beegsanayso qaxoontiga Eriteriyaaanka ah ee ku sugan deeganka Tigray

Addis Ababa,July 28, 2021 (Hamle 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dawladda Maraykanka ayaa ugu baaqday argagixisada TPLF in joojiyaan waxyeelooyinka ay u geysanyaan qaxoontiga Eriteriyaanka ah eek u nool deegaanka Tigray.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa waxa uu sheegayaa ,in kooxda TPLF  ee hubaysan  ay waxyeelooyin u geysanyaan qaxoontiga Eriteriyaanka ah ee ku nool deegaanka Tigray lasoo xaqiijiyay,sidaa darteedna, dowladda Maraykanka ay ugu baaqday in qaxoontigaas Eriteriyaanka ah ay ka joojiyaan waxyeelooyinka iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan.

Maraykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay kooxda argagixisada ah ee TPLF ,in aanay waxyeelooyin gaadhsiin dadka soo barakacay ee maganta ah,iyo shaqaalaha samafalka bani-aadannimo ee ku sugan deegaankaas.

Waxa kale oo wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanku haatan sheegtay in haatan ka hor TPLF ay waxyeelooyin gaadhsiiyeen qaxoontigaas Eritereeya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.