Fana: At a Speed of Life!

Eritariya oo ogolaatay in ay ciidammadeeda kala baxdo xuduudda Itoobiya

Addis Ababa,Mar 26, 2021 (Megabit 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wadaxaajood ay dhawaan wada yeesheen Ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo madaxweynaha Ereteriya Isayas Afewerki,ayaa RW Abiy wuxuu sheegay in dowladda Ereteriya ay ogolaatay in ciidamadeeda kala baxdo xadka Itoobiya.

Ciidanka Difaaca Qaranka ee Itoobiya ayaa si dhaqso leh ula wareegi doona ilaalinta aaggaga xuduudaha.

Labada hoggaamiye ayaa waxay isku afgarteen siiwadida xoojinta Xidhiidhkooda laba geesoodka iyo himilooyinkooda iskaashiga dhaqaale.

“Waxaan sii wadaynaa dhismaha niyadda kalsoonida iyo deris wanaaga labadeena dal sida loo bilaabay 2018″.

Gaar ahaan, soo celinta xidhiidhka dadka ee ku saleysan kalsoonida muwaadiniinteena deegaanka Tigreega iyo walaalaha Eriteriyaanka ah ee ka talaaba xadka waa muhiim.

”Abiy ayaa ku yidhi bayaanka. 4tii Nofeembar, 2020 kooxdii dambiilayaasha ahayd ee TPLF ayaa si khiyaano leh u weerartay Taliskii Woqooyi ee Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) iyagoo qorshahoodu ahaa mid fashilmay oo ay ku doonayeen inay kula wareegaan awoodda iyagoo khalkhal gelinaya xasiloonida qaranka.

Weerarkii Taliska Woqooyi oo ay ku yaallay bakhaarkii ugu weyn ee hubka qaranka si naxariis la’aan ahna loo dilo loona qafaasho qaar ka mid ciidamada difaaca qaranka (ENDF) ayaa dowladda federaalka ku riixay in hawlgal militari lagu qaado.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.