Fana: At a Speed of Life!

Shirkada isgaadhsiinta Ethio-Telecom oo daah-furtay adeega habka casriga ah ee Mobile-ka lacagta la isugu diro

Addis Ababa,May 12, 2021 (Ginbot 04,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shirkada isgaadhsiinta dalka ee Ethio-telecom ayaa shalay si rasmi ah u daah-furtay “tele birr”, oo ah adeegga casriga ee Mobile-ka lacagta la isugu diro, kaas oo ay ugu talogashay macaamiisheeda.

Masuuliyiin sarsare ah oo katirsan dowlada oo uu kamid yahay raiisal wasaare Abiy Axmed ayaa kaqeyb galay munaasabada daah-furka oo ka dhacday fagaaraha Saaxiibtinimada ee Friendship Square.

Adeeggan ayaa macaamiisha shirkada u saamaxaya inay lacag dhigtaan, loo soo diro ,xawilaan(diraaan) iyagoo isticmaalaya taleefannadooda gacanta ,meelkasta oo uu ka jiro addeeega teleefanka ee shirkadu.

Ra’iisul wasaaraha ayaa bogaadiyay shirkadda isgaadhsiinta ee Ethio Telecom iyo dhammaan daneeyayaasha kale ee suurtagaliyay hirgelinta mashruucan oo muddo gaaban ku hirgalay.

” Ethio Telecom waxay muujisay diyaargarow hore ,Markii ay bilawday adeeggan wax ka yar uun toddobaad ,ee islamarkii ay heshay liisanka hawlgalka, ,” ayuu ku soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.