Fana: At a Speed of Life!

Ethiopian Airlines oo gashay kaalinta 4aad ee diyaaraddaha ugu Duulimaadka badan Caalamka.

Addis Ababa june 26,2020 (Senee 19,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Shirkada diyaaraddaha ee Itoobiya(Ethiopian Airlines) ayaa gashay kaalinta 4-aad ee diyaaraddaha ugu duulista badan adduunka marka loo eego tirada dalalka ay ka shaqayso.

Shirkadaha diyaaradaha Itoobiya ayaa  sidoo kale xajisatay(difaacatay) kaalinteedii shirkadaha diyaaraddaha ugu horreeya duulimaadyada Afrika marka loo eego rakaabka ay qaado, meelaha loo adeego (duullimaadyada ay samayso), xajmiga(Tirada) diyaaradda, iyo dakhligaba.

Shirkada diyaaraddaha ee Itoobiya ayaa qaaday in ka badan 13.3 milyan oo rakaab ah muddo 12 bilood gudahooda, illaa dhammaadkii bishii May sannadkii 2019, oo ah 11.6% marka loo eego isla muddadaas sanad ka hor.

Shirkadda diyaaraddaha gebi ahaanba waxa iska leh dawladda dalka.

Shirka diyaaraddaha Itoobiya (Ethiopian Airlines) waxaa la aasaasay 21kii Diiseembar 1945 ,waxana ay bilawday hawlgallada 8 Abriil 1946, iyadoo kordhisay duullimaadyada caalamiga ah 1951, sida ay sheegtay African Logistics.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.