Fana: At a Speed of Life!

Faa’idooyinka Uu Muusku U Leeyahay Jimicsiga Ama Isboortiga Iyo Baraha Madow Ee Ku Samaysma Muuska

Addis Ababa, March 23, 2020 (FBC Somali) –

Muuska oo ka mid ah khudradaha dunida loogu isticmaalka badan yahay, ayaa ay dadku inta badan tuuraan haddii ay oogada sare ee diirkiisa ku arkaan midab doorsoon ama baro madow oo ku batay. Waxa se ay khubarada caafimaadka cuntadu sheegayaan in barahaasi aanay calaamad u ahayn in uu muusku xumaaday, ama in curiyeyaashii nafaqo ee ku jiray ay wax iska beddeleen ama tayadoodu yaraatay.

Haweenay qoraa ah oo lagu magacaabo Melissa Gonzales ayaa warbixin ay daabacday jariiradda ABC oo ka soo baxda dalka Isbayn waxa ay sheegtay in muusku uu ka mid yahay khudradaha bisaylkooda sii wata marka geedka laga jaro kaddib. Baraha madowga ah ee muuska ku samaysmaana ay yihiin calaamad muujinaysa in uu sidii la rabay u bislaaday. Mar kasta oo ay baraha madow ku bataan muuska dushiisa, macnaheedu uu yahay in uu si fiican u sii bislaaday faa’idooyinka ku jiraana sii tayo bateen, sidaa awgeed la cuni karo. Haddii aanu bisaylku gaadhin heer uu muusku qudhmo.

Dhinaca kalana Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay sheegayaan in muuska oo guud ahaan caafimaadka u fiicani uu si gaar ah u caawiyo dadka ciyaartoyga kala duwan ah. Sababtuna waa maadadda uu hodanka ku yahay ee Bootaasiyamta loo yaqaanno oo xoojisa habsami u shaqaynta muruqyada. Sida oo kale sonkorta muuska ku jirta ayaa uu qofka jimicsiga samaynaya ama ciyaartoygu ka helayaa tamar u buuxisa kaalinta tamarta jidhka ka baxaysa. Waxa kale oo uu muuska aad u bilsaaday ku fiican yahay dheefshiida oo si dhaqso ah oo fudud u burburin kara. Taas oo uu kaga duwan yahay muuska akhtarka ah iyo muuska huruudda ah laakiin aan weli booga madowga ah yeelan.

Waxaa lagu talinayaa in aan muuska lagu kaydin qaboojisada (Talaagada, waayo qabowga tallaagadu waxa uu muuska ku sameeyaa madow, qofka ka qalda in uu yahay madowgii bisaylka muujinayey iyo in uu yahay xumaanshiyo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.