Fana: At a Speed of Life!

Faransiiska oo kaalmo dhaqaale u fidiyay dadka ay waxyeelladu kasoo gaadhay dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya

Addis Ababa,DEC 07,2021 (Hidar 28,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Dowladda Faransiiska ayaa deeq lacageed oo dhan €500,000( 500 kun oo Yuuro) ugu deeqday waqooyiga dalkan Itoobiya.

Deeqdan ayaa loogu talo’galay in la gaadhsiiyo 60,000 oo qoys oo ah dadka ku nool saddexda deegaan ee waqooyiga Itoobiya ee ay dagaalladu sameeyeen si wax looga qabto baahiyaha  aas-aasiga ah iyo in nolosha barakacayaasha dib-u-dejiin loogu sameeyo.

Safaaradda Faransiiska ee Addis Ababa ayaa sheegtay inay kaalmo dhaqaale la gaadhsiiyay 60,000 oo qoys si ay  ugu maareeyaan xaaladooda nololeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.