Fana: At a Speed of Life!

Gantaalkii ka fakaday Shiinaha ee aadka loo hadal hayay oo kusoo dhacay badweynta Hindiya

Addis Ababa,May 09, 2021 (Ginbot 01,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shiinaha ayaa sheegay gantaalkii fakaday oo dhulka ku soo socday uu ku soo dhacay Badweynta Hindiya meel u dhaw jasiiradda Maldives.

Warbaahinta afka dowladda Shiinaha ku hadasha waxay sheegtay gantaalkan dhulka ku soo wajahnaa uu burburkiisa ku soo dhacay Jihada Bari (72.47°) iyo Waqooyi (2.65°).

Xaruumaha Mareykanka iyo Yurub ee lagu raad raaco dayax-gacmeedka ayaa dabagal xooggan ku hayey gantaalka Shiinaha ee hawada sare ka soo socday ee dhulka ku wajahnaa ee lagu magacaabo Long March 5b.

Warbaahinta Shiinaha waxaa kale oo ay sheegeen gantaalka uu hawada dhulka soo gaadhay Axaddi saacadda dalkaasi Shiinaha markay ahayd 10:24.

Hay’adda Maamusho Hawada sare ee dalka Mareykanka bayaan ay soo saareen waxay ku sheegtay “Iney hubin u baahan tahay gantaalka Shiinaha ee Long March 5b inuu saameyn uu u geysanayo dhulka ama biyaha.”

Gantaalka dib u soo laabashadiisa inta aan la xaqiijin waxaa cabsi laga qabay inuu ku soo dhaco aag ay dad ku nool yihiin.

Xoghyaha arrimaha dibadda Mareykanka, Lloyd Austin wuxuu Shiinaha ku eedeeyey iney arrintan ku timid dayacaad dhankiisa ah.

Hase yeeshee khubarada ku xeeldheer arrimaha hawada sare waxay sheegeen fursad uu gantaalkaasi ugu soo dhici karo gooba deegaan ah iney yar tahay, maadaamaa uu dhulka intiisa badan ay badaha daboolayaan dhulka soo harayna ay yihiin dhul saxara oo lama dagaan ah oo aan lagu nooleyn.

Gantaalkan wayn ee lagu magacaabo Long March-5b, oo ah sida gaari qaadi kara xamuulka, waxaa bishii la soo dhaafay loo diray saldhigga cusub ee Shiinaha uu ka sameystay Hawada Sare.

Gantaalkan uu culeyskiisu yahay 18 tan ayaa ka mid noqonaya gantaallada ugu weynaa oo muddo tobaneeyo sana ah hawada sare loo diro isla-markaana xakamaha goosta lana xakameyn waayo.

Mareykankana wuxuu toddobaadki hore sheegay gantaalka halka uu marayo iney la soconayaan, balse uu qorshaha ugu jirin iney soo ridaan.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.