Fana: At a Speed of Life!

Garsoore Kenyan ah oo is-hortaagay xidhida xeryaha qaxoontiga

Addis Ababa,Apr 09, 2021 (Miyasiya 01,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Garsoore Kenyaan ah ayaa is-hor-taagay go’aanka ay Dowladda Kenya ku dooneyso in ay ku xidho laba xero-qaxooti oo ay ku sugan yihiin boqolaal kun oo qof oo badankood ay ka soo jeedaan Soomaaliya, sida lagu sheegay nuqul ka mid ah amarka maxkamadda oo ay aragtay wakaaladda Reuters.

Laba todobaad ka hor wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa shaaciyay in dowladdiisu ay dooneyso in la xidho xeryaha, waxaana uu siiyay hay’ada qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobay ee UNHCR laba todobaad oo fursad ah, si ay u soo gudbiso qorshaheeda ay tallaabadan ku flineyso, isaga oo intaa ku daray in aanan horey loo sii wadi karin wax wadahadallo dheeri ah oo looga baaqsanayo xidhidda xeryahan.

Xukunka uu garsooruhu soo saaray ayaa hakinaya qorshaha dowladda muddo bil ah. Arrintan ayaa timid markii siyaasiyiin maxalli ah oo qorshahan kasoo horjeeda ay maxkamadda ka codsadeen in meesha laga saaro tallaabada ay dowladdu ku dooneyso in albaabada leysugu dhufto xeryaha.

Kiiska la xidhiidha qorshaha ay dowladda Kenya ku xidhayso xeryaha ayaa bil kadib waxaa dib loogu soo celin doonaa maxkamada.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ee waqooyiga Kenya ayaa waxaa degan in ka badan 410,000 oo qof oo Soomaali u badan. Tiro yar oo dadkaasi ka mid ah waxa ay ka yimaadeen Koonfurta Suudaan.

Iyaga oo qiil ka dhiganaya walaaca la xidhiidha amniga qaranka, ayaa mas’uuliyiinta Kenya waxa ay marki ugu horreysay sanadkii 2016-kii ku dhawaaqeen qorshahooda ku aaddan xidhitaanka xerada Dhadhaab, oo aad ugu dhow xuduudda Soomaaliya marka la bar-bar-dhigo Kakuma.

VOA

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.