Fana: At a Speed of Life!

Garsoore Maraykan ah oo hor istaagay xayiraaddii lagu soo rogay App-kaTikTok

Ababa Sep 28, 2020 (Maskerem 18,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Garsoore Carl Nichols ayaa amar ku bixiyey in si ku meel gaadh ah loo joojiyo xayiraadda la saaray in la soo dejisto App-ka TikTok ee laga leeyahay dalka Shiinaha

App-ka TikTok ayaa xayiraad lagaga soo rogay dhanka Apple App Store iyo Google Play si aan loo soo dejisan,Balse dadki xayiraadda ka hor soo dejistay oo horay u isticmaali jiray App-ka TikTok ayaa la sheegay in aanay saameyneyn.

Haddii qof Mareykanka ku sugan uu App-ka TikTok damco inuu cusbooneysiisto ama uu markale soo dejisto uma suuragaleyso maadaamaa la manuucay.

Garsoore Carl Nicholas oo ka tirsan maxkamadda degmada Columbia ayaa Axaddi shalay ahayd soo saaray amar ku meel gaadh ah uu ku hor istaagayo manuucidda maamulka Trump uu saaray TikTok.

Garsoorahu waxa uu ku  sheegay amarkaasi inuu u soo saaray si uu xuquuqdiisa iyo xuquuqda dadka kale ay leeyihiinba u difaaco.

TikTok ayaa dhankeeda ku doodaysa cadaadiska iyo xayiraadda lagu hayo iney dadka App-ka isticmaala ay soo dejisan u ka hor imanayo qodobbada 1-aad iyo 5-aad ee dastuurka Mareykanka ee dib loo habeeyey.

Garyaqaanno dowladda Mareykanka u dooda ayaa xayiraadda App-ka TikTok ku tilmaamay mid looga hortagayo App-ka maadaamaa uu u adeego Xisbiga Shuuciga ee dalka Shiinaha (CCP).

Amarka garsooraha u bixiyey ayaa ku soo beegmaya usbuuc kaddib marki App-ka kale ee Shiinaha laga leeyahay WeChat xayiraad la mid ah lagu soo rogay.

Xigashi:BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.