Fana: At a Speed of Life!

Golaha Barlamaanka JDFI oo ka dooday Sannad-Miisaaniyadeedka 2012/2013.

Addis Ababa june 25,2020 (Senee 18,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Guddiga Joogtada ah ee Dakhliga, Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Golaha Wakiiladda JDFI ayaa maanta kala hadlay masuuliyiinta Wasaaraddaha Maaliyadda, miisaaniyadda sanadka soo socda iyo arrimo la xidhiidha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Dr. Eyob Tekalign waxa uu Guddiga joogtada ah warbixin ka siiyay in miisaaniyadda sanadka soo socda ay ku saleysan tahay casharadii laga bartay hirgalintii miisaaniyad-sanadeedkii hore loo soo gabagabeeyey.

Miisaaniyad-sannadeedka 2012/2013 (2020/2021),ee ay qoondaysay dawladdu waxa tixgalin lagu Siinaysaa cudurka faafa daran ee coronavirus ee hadda ka jira dalka , iyo in lagu sii beddelo natiijooyin wanaagsan oo ka diiwaangashan waaxda dhaqaalaha, Dr. Eyob ayaa sidaas yidhi.

Ka dib ,Isugeynta miisaaniyada, 160.3 bilyan Birr ayaa loo qoondeeyay kharashaadka raasamaalka, 133.3 bilyan oo Birr-na ayaa iyadana loogu talagalay kharashaadka caadiga ah, halka 176 bilyan oo Birr lagu kaabayo dawlad degaannada dalka , iyo 6 bilyan oo Birr oo loogu talagalay Mashaariicda Horumarinta Joogtada ah (SDG), sida uu faah-faahiyay wasiir Eyob.

Geesta kale ,Miisaaniyadda ayaa samaysay korodh wax ku ool ah ,marka la bar-bardhigo sannad maaliyadeedkii hore, sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyaddu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.