Fana: At a Speed of Life!

Golaha diimaha ee dalkan Itoobiya oo Maraykanka ugu baaqay in kaalin wax ku ool ah uu ka qaato nabadda iyo horumarka Gobolka

Addis Ababa,Sep 01,2021 (Nehase 26,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha diimaha ee dalkan Itoobiya ayaa ugu baaqay Maraykanka in uu kaalin wax ku ool ah ka qaato nabadda iyo horumarka Geeska Afrika iyo guud ahaanba qaaradda oo dhan.

Xafiiska Laanta Ameerika ee Golaha ayaa warqad uu u diray Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka iyo dhowr warbaahin oo caalami ah ayaa waxa uu ugu baaqay in si caddaalad ah oo hufan loo eego xaaladda hadda ka jirta Itoobiya.

Goluhu waxa uu  dowladda Mareykanka iyo guud ahaan beesha caalamka ka codsaday inay fahmaan xaqiiqda ka jirta Itoobiya, isagoo sharraxay in qaranku dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu soo maray horumar iyo dib u dhac labadaba ,taas oo ay ugu wacnayd caqabado kala duwan oo ka horyimid aawadeed.

Warqaddu waxa ay sharraxaad ka bixinasaa  duruufaha hadda ka jira Itoobiya marka laga eego dhinacyada jawiga siyaasadeed ee dalka ee 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Kooxda argagixisada ah ee TPLF ayaa mas’uul ka ah xaaladdaha cadaawaddeed ee ka jira Itoobiya, waxayna intaas ku dartay in kooxda fallaagada ah ay weerar ku qaadeen ciidanka qaranka, dad rayid ah oo aan waxba galabsan halka malaayiin qofna ay barakaciyeen sida warqadda ku xusan.

TPLF waxa ay xasuuq ba’an u gaysatay dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo ay kujiraan haween, caruur iyo odayaal oo ka geysatay deegaannada Canfarta iyo Amxaarada, waxayna askarayeen caruurta si ay khiyaamo ugu maleegeen qaranka.

Xadgudubyada xuquuqda aadanaha, lunsashada hantida iyo musuqmaasuqa ayaa ahaa astaamihii xukuumadda TPLF ee Itoobiya hoggaaminaysay tobankii sano ee la soo dhaafay, ayaa kale oo warqadda lagu xusay.

Goluhu waxa uu cod dheer ku sheegayaa in malaayiin qof ay barokaceen ayna u baahan yihiin gargaar baahi bini’aadanimo oo degdeg ah, goluhu wuxuu ugu baaqayaa Mareykanka, saaxiibada Maraykanka, ururada caalamiga ah iyo guud ahaan beesha caalamka in ay gacan u fidiyaan Itoobiya si wax looga qabto xaaladda haatan uu dalku marayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.