Fana: At a Speed of Life!

Golaha-fulinta DDS oo fadhigoodii 11aad kaga arrinsaday xaaladdaha abaarta, amniga, dakhliga iyo xaaladda guud ee Dalka

Addis Ababa,Jan 17,2022 (Dir 09,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha-fulinta DDS ayaa fadhigoodii 11aad kaga wada xaajooday xaaladdaha abaarta, amniga, dakhliga iyo xaaladda guud ee Dalka.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa shir-guddoomiyay, Kal-fadhigii 11aad ee Golaha-fulinta DDS oo ka qabsoomay Madaxtooyada Deegaanka, waxaana lagaga wada hadlay xaaladda guud ee dalka, amnigga, abaaraha iyo dakhliga.

Ugu horreyn ka wada haddalka qorshayaashan ayay goluhu ansixiyeen, intaa kaddibna waxaa lalafa-guray xaaladda guud ee Dalka iyo qaabka loogu diyaar garoobay wada-hadalka qaran.

Dhinaca abaaraha waxaa la dhagaystay jawaab-celinta la sameeyay toddobaadyadii u danbeeyay iyo sifada ugu habboon ee raashin iyo calaf loo gaadhsiin karo bulshada abaaraysan gaar ahaan deeqihii dhawaan xukuumadda kasoo gaadhay Addisababa iyo meelihii la midka ahaa, waxaana la qorsheeyay in qaybo hoggaaminta kamid ah ay tagaan gobolada iyo degmooyinka ay abaaruhu ka jiraan si bulshada loola qayb sado dhibaatada abaarta.

Dhinaca dakhliga; Lixdii bilood ee u danbaysay waxaa qorshaysnaa in lasoo xareeyo lacag dhan 3 bilyan iyo 800 oo milyan (3,800,000,000) Birr. Waxaana qabsoomay lacag dhan 3 bilyan 280 milyan 772 kun oo birr (3,280,772,085.78) Birr taasoo u dhiganta 86.34% waxaana la isla qaatay in la sameeyo dardar-gelin hor leh si loo qabyo-tiro qorshaha xafiiska.

Ugu danbayn waxaa lasoo jeediyay xaaladda amni ee Deegaanka iyo tallaabooyinka la qaaday si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqa argagaxisooyinka ku xeeran xudduudaha Deegaanka ee maleegaya falal ka dhan ah nabadgelayada shacabka iyo sida oo kale ka hor-tagga isku dhaca qabaa’ilada iyo xalintooda laga sameeyay taasi oo si guud loogu xusay war-bixinta in ciidanku ay wadaan hawlo aan dhammaad lahayn oo lagu sugayo amniga guud ee shacabka.

Xigasho: SRTV Somali

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.