Fana: At a Speed of Life!

Golaha Hawl-fulinta DDS oo fadhigoodii labaad kaga dooday sicir-bararka ka jira Deegaanka

Addis Ababa,Aug 02 ,2021 (Hamle 26,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kal-fadhiga labaad ee Golaha Hawl-fulinta Deegaanka oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Deegaanka ayaa lagaga wada hadlay qodobbo kala duwan.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa golaha u soo jeediyey qorsheyaasha horyaalla oo kala ah:

  1. Wax-ka-qabashada xaaladda sicir-bararka maciishadda.
  2. Ka-wada-hadalka koodh u-samaynta dayactirka buundada Kaaramardha.
  3. Ansixinta miisaaniyadda nabadgelyada.

Qodobbadan waxaa faah-faahin ka bixinayey masuuliyiinta ay khusaysay. intaa kaddib ayeyna gurigu si ballaadhan uga doodayeen qorsheyaashan si la is kula meel-dhigo fikirro iyo tallo-bixinooyin turxaan tiran oo xal u noqonaya qorsheyaasha horyaallay golaha oo ay ugu horreyso xaaladda sicir-bararka maciishaddu.

Madaxweyne Mustafe ayaa sheegay in ay lagama-maarmaan tahay helitaanka xal waara oo lagu dhimayo maciishadda, taasi oo ganacsato iyo shacabba looga baahan yahay in ay ku garab-istaagaan xukuumadda.

Goluhu waxa ay isla qaateen dhaqan-gelinta qodobbadan soo socda si wax looga qabto kor-u-kaca maciishadda:

  1. In si deg-deg ah loo sameeyo shirkad ay dawladdu leedahay oo soo dejisa noocyada raashiinka.
  2. In dawladda Fadaraalka ah laga dalbado sidii raashiinka canshuur dhaafka ah loogu fasixi lahaa Deegaanka.
  3. Ganacsatadu in aysan xidhin meherahooda ama bakhaaradooda, sidii caadiga ahaydna ay u iibiyaan noocyada raashiinka; cid kaste oo lagu helo iyada oo xidhay ama si khaldan wax u iibinaysana in tallaabo laga qaadi doono.
  4. Dhammaan bangiyada, xawaaladaha iyo shakhsiyaadka ku lug leh kor-u-kaca iyo isbaddelka xaaladda sarrifka iyo lacagaha in tallaabo deg-deg ah laga qaadi doono.

Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha, Mudane Xasan Maxammed Xuseen iyo Wasiirka Xafiiska Ganacsiga Iyo Warshadaha, Mudane Bashiir Shaafi oo la hadlay war-baahinta kulankan kaddib ayaa bulshada ugu baaqay in aysan maqlin waxyaabaha been-abuurka ah ee la dhex-wado bulshada, taasi oo la doonayo in lagu khal-khal geliyo shacabka.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.