Fana: At a Speed of Life!

Golaha wakiillada oo ansixiyay xaaladdii degdegga ahayd ee dalka lagu soo rogay

Addis Ababa,NOV 04,2021 (Diqimti 25,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha wakiillada shacabka JDFI ayaa cod-buuxa ku ansixiyay xukunkii xaaladda degdega ahaa ee golaha wasiirradu usoo gudbiyeen.

Golaha wakiillada shacabka oo yeeshay kalfadhigoodii koowaad ee caadiga ahaa ee sannadkii koowaad ayaa waxa uu ka baaraan-degay bayaankii ku saabsanaa xaaladda degdega ah ee dalka lagu soo rogay ,waxaana goluhu uu saaka cod-buuxa ku ansixiyay bayaankii kasoo baxay golaha wasiirrada ku saabsanaa xaaladda degdega ahayd.Bayaankaas oo lambarkiisu ahaa 5/14 ayaa waxa la ansixiyay in muddo 6 bilood ah uu sii jro.

Dhanka kale ,golaha wakiillada shacabka waxaa uu guddi ka baraandega xaaladda degdega ah uu u magacaabay xubnahan hoos ku xusan:

1.Muddane Lema Tesema-Shir-guddoomiye

2.Marwo Werqesamu Maano-Ku-xigeenka Shir-guddoomiyaha

  1. Solomon Lale -Xubin

4.Bifti Maxamed – Xubin

4.Christian Tadhalle-Xubin

5.Mitiku Mada -Xubin

5.Gemechu Beshada-Xubin

Shir-guddoonka iyo xubnahan ayaa waxa dhaarisay madaxweynaha maxkamada sare ee dalka Meaza Ashenafi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.