Fana: At a Speed of Life!

Golaha Wakiillada Oo Soo Saaray Liiska 42 Musharax Oo Loo Magacaabay Guddiga ka qaybgalaya Wada-tashiga Qaranka

Addis Ababa,Jan 27,2022 (Dir 19,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha Shacabka JDFI ayaa soo xulay 42 wakiil oo ka mid ah shaqsiyaadka ay shacabka usoo gudbiyeen in ay indha-indheeyaan (kormeeraan) wada-tashiga qaran ee dhawaan bilaabmaya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Mudane Tagesse Chaffo oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dadweynuhu ay soo magacaabeen guddiyada wada-hadallada qaranka sida ku cad xeer Lr.1265/2014.

Wuxuu intaas ku daray in 632 musharax ay si toos ah dadweynuhu ugu soo gudbiyeen hannaankii soo xulista ee socday ilaa 13-kii Tir, 2014.

Wada-hadallada qaran ee aadka loo wada sugayo ayaa la filayaa in ay ka caawiyaan Itoobiyaanka sidii ay isfaham guud uga gaadhi lahaayeen arrimaha masiiriga ah ee qaranka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.