Fana: At a Speed of Life!

Golaha wasiirrada oo go’aamiyay in la laalo muddadii lixda bilood ee xaaladda degdega ahayd

Addis Ababa,Jan 26,2022 (Dir 18,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha Wasiirrada oo maanta isugu yimid fadhigoodii 2-aad ee aan caadiga ahayn, ayaa waxay kaga doodeen sidii muddadii lixda bilood ee xaaladda degdega ahayd looga soo gaabin laa waqtigii ay ku eegayd, iyadoo laga eegayo isbedelada ku yimi dhanka ammaanka.

Waxaana xusid mudan in Qaranku uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo dalka lagu soo rogo, 2-dii bishii November 2021, si qaranka looga badbaadiyo khatartii kaga imanaysay kooxda TPLF iyo xulafadeeda.

Sida ku cad qodobka 11 (2) ee Xeer Lr.1264/2014, Golaha Wakiiladu waxa uu awood u leeyahay in uu soo gaabiyo muddadaasi lixda bilood ah ka hor dhammaadka muddadaasi haddii ay jiraan duruufo keenaya in lagu dhawaaqo isbedel ku yimaadda xaalada degdega ah.

Haddaba, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday islamarkaana go’aamiyay in xaaladda degdega ah la laalo, waxayna go’aankaasi u gudbiyeen Golaha Shacabka JDFI si ay u ansixiyaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.