Fana: At a Speed of Life!

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya oo agabkiibcodbixinta doorashada u kala diray dhammaan deegaan doorashooyinka dalka oo dhan

Addis Ababa,June 19, 2021 (Senee 12,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Itoobiya (NEBE) ayaa agabka codbixinta doorashada u kala diray dhammaan deegaan doorashooyinka dalka oo dhan.

Madaxa laanta iskudubaridka Guddiga doorashooyinka qaranka ee Magaalada Diridhabe, Siyaad Yaasiin ayaa la wareegay dhamaan agabkii cod-bixinta ee lagama maarmaanka ahaa, kaas oo ay gaadhsiiyeen xafiiska dhexe guddiga doorashooyinka Qaranka Itoobiya ,wuxuuna ka dhawaajiyay in 2 kursi ay magaalada diridhabe uga soo baxayaan Golaha Wakiillada shacabka halka Golaha deegaankana ay kasoo baxayaan 47 xildhibaan.

Agabka cod-bixinta doorashada ayaa sidoo kale la gaadhsiiyay deegaanno ay ka mid yihiin Shucuubta koonfureed,Gobolka Gurage,waxaana guddigu uga mahad-celinayaa shirkada diyaaraddaha ee  Ethiopian Airlines oo gacan weyn ka geysatay sidii agabku ku gaadhi lahaa deegaan doorashada loo asteeyay in cod-bixintu ka dhacdo.

Laamaha guddiga ee deegaannada dalka ayaa sheegay inay adeegsanayeen noocyada kala duwan ee gaadiidka ,si ay Deegaannada u gaadhsiiyaan agabka doorashada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.