Fana: At a Speed of Life!

Guddiga doorashooyinka Qaranka Itoobiya oo xisbiyada siyaasada ugu baaqday in xilliga doorashada ay hoggaansamaan ilaalinta xuquuqda Aadanaha

Addis Ababa,May 31, 2021 (Ginbot 24,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guddiga doorashooyinka Qaranka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay go’aanno adag oo ay tahay in xisbiyada siyaasadeed ee dalku ay u hoggaansamayaan xilliga ay socoto doorashada 6aad ee dalka ka dhacaysa.

Guddigu waxa uu ugu baaaqay xisbiyada siyasadeed ee dalka in ay u hoggaaasamaan ilaalinta xuquuqda aadanaha ,in ay tixgeliyaan una istaagaan ka dhabaynta ballantii ay qaaden ee ku saabsanayd ilaalinta xuquuqda Aadanaha ,axdigii ku saabsanaa waxkabedellida sharciga iyo u hoggaansamidiisa ,ka feejignaanta abuuridda qaska iyo qalalaasaha ,xuquuqda abaabulka iyo weliba xuquuqda uu qofku u leeyahay in uu si xor fikirkiisa u dhiibto.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.