Fana: At a Speed of Life!

Guddiga doorashooyinka Qaranka JDFI oo ganafka ku dhuftay baaqii Deegaanka Tigray-ga

Addis Ababa june 24,2020 (Senee 17,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Guddiga doorashooyinka Qaranka JDFI (NEBE) ayaa ganafka ku dhuftay codsigii golaha Dawlad Deegaanka Tigrayga ay ku qabsanayeen Doorashooyinka deegaankaas.

Guddiga ayaa sheegay in wax doorasho ah laga qaban Karin goob kasta oo dalka ah ilaa inta qiimayn lagu samaynayo xaaladda xanuunka faafaha daran ee covid-19 ,kaas oo dib u dhigay in doorashadii 6aad ee dalka ay qabsoonto.

Sida lagu sheegay warbixinta guddiga doorashooyinka Qaranka (NEBE) ee ay siiyeen fiidnimadan Hay’adda warbaahinta Fana(FBC) ,golaha ayaa ku wargeliyay guddiga in aqbalaan go’aankooda ay isugu diyaarinayaan sidii ay doorashadii 6aad u qabsan lahaayeen iyada oo uu jiro xanuunka saf-mareenka ah ee covid-19.

Laakiin guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa diiday dalabkoodii ,iyada oo sheegtay” in aanu jirin wax sharciyad ah oo lagu siiyo cudud la shaqaysa , arrimo farsamo iyo qalab lagaga taageero doorashooyinka”

Geesta kale,toddobaadkii hore aya ahayd markii Aqalka federeeshanka uu muddo xileedka u kordhiyay golayaasha federaalka iyo Deegaannada xanuunka saf-mareenka awgii.

Iyada oo sidoo kale la soo jeediyay talooyin lagu qabanayo doorashadii guud ee 6aad oo ahayd in doorashada la qaban doono 9 bilood ama sannad ka dib ,markaas oo guddiga Caafimaadka ku dhawaqaan in xanuunku aanu khatargelinaynin Caafimaadka dadweynaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.