Fana: At a Speed of Life!

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo joojiyay diwaangelinta 26 xisbi-siyaasadeed

Addis Ababa,Dec 23, 2020 (Tehsas 14,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalkan Itoobiya (NEBE) ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay diiwaan galinta guud ahaan 26 xisbi-siyaasadeed.

Bayaan ay guddigu soo saareen shalay waxa ay ku sheegeen in go’aankan la gaadhay iyadoo la raacayo xeerka guddiga doorashooyinka qaranka ee xeer lam. 1162/2011 iyo ka xisbiyada siyaasadeed ee xeer lam.3, kaas oo xisbiyada siyaasadeed ku waajibinaya inay buuxiyaan shuruudaha lagama maarmaanka ah.

Sida lagu sheegay bayaanka, 26-ka xisbi siyaasadeed ee aan kor ku soo xusnay ayaa ku guuldareystay inay soo buuxiyaan shuruudaha isla markaana u gudbiyaan guddiga doorashada dhukumantiyo(waraaqo aqoonsi) lagu qanco

Guddiga ayaa intaa ku daray in wali ay socdaan baadhitaanka dhukumantiyada (waraaqaha aqoonsiga ee xisbinimo)12 xisbi siyaasadeed.

Dhanka kale,guddiga ayaa ilaa haatan dhameystiray baadhitaanka dhukumantiyada ee 40 xisbi siyaasadeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.