Fana: At a Speed of Life!

Guddiga Doorashooyinka Tanzaaniya oo ansixiyay 15 murashax oo ku loolamaya doorashada madaxtinnimada

Addis Ababa Aug 27, 2020 (Nehaase21,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Tanzaaniya John Magufuli ayaa waajihi doona 14 murashax  oo kula loolamaya doorashada la qorsheeyay in ay kaqabsoonto dalkaasi  bisha Oktoobar,sida ay shaaciyeen guddiga doorashadu.

Madaxweyne Magufuli ayaa hirdan adag kala kulmi doona murashaxiinta kala ah Tundu Lissu, kaas oo kusoo noqday Tansaaniya bishii hore ka dib markii daawayn seddex sano uu  ku qaatay dalka Belgium ka dib dhaawac soo gaadhay o uu kaga badbaaday shirqool dil doogasho ah oo la rabay in lagu khaarajiyo iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Bernard Membe oo bishii Febraayo laga caydhiyay xisbiga talada haya ee Chama Cha Mapinduzi .

Doorashada madaxtinimadda iyo baarlamaanka dalka Tanzaaniya ayaa qabsoomi doonta bisha Oktoobar 28-keeda.

Xigasho:Aljazeera

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.