Fana: At a Speed of Life!

Guddiga fulinta xisbiga barwaaqo oo gebagebeeyay kulankoodii

Addis Ababa Aug 17, 2020 (Nehaase 11,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Guddiga Fulinta ee Xisbiga Barwaaqo (PP) ayaa maanta ka dooday xaaladda guud iyo ta siyaadeed ee uu dalku marayo hadda.

Sida lagu sheegay bayaan laga soo saaray kulankaas ka dib, guddigu waxa uu qiimayn ku sameeyay guulaha la gaadhay, caqabadaha la waajahay iyo rajooyinka soo if-baxay ka dib dadaalladii dib-u-habeynta ee la hirgeliyay labo sano ka hor.

Tallaabooyinka la qaaday dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa dalka u horseeday cutub cusub, ayaa lagu yidhi bayaanka, taasoo muujineysa guulaha laga gaadhay dhismaha dimuqraadiyadda, dhameystirka mashaariicdii ballaadhnaa ee dib u dhacay, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta xidhiidhka lala leeyahay waddamada deriska.

Geesta kale, Guddigu waxa uu dib u eegis ku sameeyay masiibooyinka dabiiciga ahaa iyo kuwa ka yimaada bani-aadamka ee dalka soo maray labadii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaana caqabadahii ka yimid ciidamadii isku dayay inay carqaladeeyaan dib-u-habaynta,  iskuna dayay xoog ku qabsashada xukunka islamarkaana ay Af-gembiyaan dalka.

Si kastaba ahaatee, bayaanka ayaa lagu sheegay, in kooxihii qaswadayaasha ahaa isku daygoodii ay ku fashiliyeen xeelad degenaan ah iyo hogaamin tolmoon oo uu xisbigu isticmaalay.

Dhanka kale, Xisbiga ayaa qiimeyn ku sameeyay dadaallada lagu dardargelinayo bedqabka si bulshada looga badbaadiyo halista cudurka faafa ah ee COVID-19, saamaynta ayaxa ee daaqii iyo dalagii dalka iyo khasaarihii fatahaadaha sidii ugu suurtogalsanayd.

Sidoo kale, waxa lagu xusay bayaanka in Dawladdu ku bixisay 10 bilyan oo Birr si loo yareeyo saameynta uu cudurka coronavirus ku keenay dhaqaalihii dalka waxaan la abuuray 3 milyan oo shaqooyin ah, warbixinta ayaa sidoo daaha ka qaadday in dalku dakhli dhan $ 3 bilyan kasoo xareeyay dhanka wax dhoofinta sannadkii la soo dhaafay, kaas oo 14% ka Sara maray marka lala barbar dhigo dhakhligii laga soo xareeyay dhanka wax dhoofinta sannadkii hore.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay dhammaystirka wejigii koowaad ee buuxinta biyo-xidheenk dalkan Itoobiya (GERD) iyo beerista 5 bilyan oo geed taas horumar weyn u horseedaysa miisaaniyad sannadeedka.

Habsami u socodka Hawlaha mashruuca biyo-xidheenka ayaa iyana meel wanaagsan maraya , iyada oo taasna ay daba socdaan dadaallo kor loogu qaadayo xaddiga kaynta Itoobiya oo loogu talogalay in la gaadhsiiyo ilaa 30% iyada oo la beeri doono 20 bilyan oo geed afarta sano ee soo socota ayaa lagu sheegay bayaanka.

Xisbigu ayaa wacad ku maray in uu xoojin doono dadaalkiisa si loo sugo sarraynta sharciga, kobcinta geedisocodka dimuqraadiyadda ee dalka, xoojinta midnimada, u dhammaystirka mashaariicda sida ay u muddaysan yihiin iyo xakameynta fiditaanka saf-marka COVID-19.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.